The Road to Zero

Buuggan magaciisa la dhaho “The Road to Zero: Somalia’s Self-Destruction” ee uu qoray danjire Maxamed Cusmaan Cumar waa buug heer sare ah, waxa uuna kaga warramayaa waayihiisii nololeed muddadii dheereed ee uu u shaqaynayey dowladdii Soomaaliya laga soo bilaabo 1957 ilaa 1991. Sheekada buuggu warinayo waa mid xiiso iyo niyadjab leh, qoraaguna si qalbitaabasho leh ayuu u soo gudbinayaa. Wuxuu qoraaga sheekadiisa ku bilaabayaa asaga oo ilmo yar oo arday ah oo marqaati ka ah dalkiisi oo labo dawladood oo shisheeye ahi milkiyaddiisa ku kala wareegayaan. Asaga oo dowladdii daakhiliga u shaqaynaya kaddib xorriyaddii 60kii waxa uu noqonayaa mas’uul sare oo wasaaradda warfaafinta u shaqeeya, kaddib asaga oo arday ah oo Shiinaha jooga una doodaya xuquuqda ardayda Afrikaanka ee Shiinaha joogtay, asaga oo qabanqaabinaya muddoharaad looga soo horjeedo gumaysiga Itoobiya ay ku haysato dhulka Soomaaliyeed iyo dowladdii Shiinaha oo ka soo horjeesatay arrintaas. Ugu dambayn, waxa uu noqonayaa diblomaasi u shaqeeya wasaaradda arrimaha dibadda iyo danjire Soomaaliya u jooga dalal badan ilaa Soomaaliya lagu kala yaacay sanadkii 1991.

Gu’gii 1950kii asaga oo arday ka ah iskuul uu gacanta ku haayey maamulkii millatariga Ingiriiska ee Soomaaliya xukumaayay muddadii u dhexeysay 1941-1950kii ayaa macallimaddii iskuulka u dhigi jirtay oo Ingiriis ahayd, asaga iyo ardaydii kale subax u soo dareerisay barxadda guriga dowladda (aqalka dowladda hoose ee Muqdisho hadda ku shaqayso) si ay goobjoog uga noqdaan xafladdii maamul-wareejintii Ingiriisku talada dalka ugu celinayeen dowladda Talyaaniga ayada oo la fulinayo go’aankii Qaramada Midoobay ee soo baxay sanadkii 1949kii, kaas oo go’aamiyay in maamulka koofurta Soomaaliya loo dhiibo  Talyaaniga muddo 10 sannadood ah, Qaramada Midoobayna korjoogto ka noqoto.

Qoraagu waxa uu sheegay in asagu uusan waxba ka fahamsanayn waxa dhacaya balse ay xusuus gaar ah ku reebtay ilmadii ka dhibcaysay indhaha macallimaddiisii markii ciidanka baambaydu garaaceen astaanta calanka boqortooyada Ingiriiska iyo markii calanka boqortooyada la dajinaayey, lana saaray kan jamhuuriyadda Talyaaniga. Ka sokow saameynta ay qoraaga ku yeelatay in indhihiisa oo shan ah dalkiisa dowlado shisheeye iska dhaxlaan, taas oo uu dabcan la qabay Soomaalida kale, laakiin waxaa asaga si gaar ah saamayn ugu yeeshay isbeddelka ku dhacay waxbarashadiisa maadaama maamulkii iyo macallimiintii iskuulka ay horay u raaceen taliskii ciidanka Ingiriiska, ee talada dalka ku wareejiyay Talyaaniga. Intaas oo kaliya maahane xitaa afkii uu wax ku baranaayay (English) ayaa la beddelay, waxaa lagu beddelay Af Talyaani. Danjire Maxamed Cusmaan waxa uu nasiibdarro weyn ku tilmaamay go’aankii Qaramada Midoobay ku go’aamisay in koofurta Soomaaliya dib Talyaaniga loogu soo celiyo, wuxuuna doorbidi lahaa in dowladda Ingiriisku sii maamusho dhulweynaha Soomaalida marka laga reebo Jabuuti oo Faransiisku gacanta ku hayay xilligaas.

Sida la ogyahay, buuggana ku xusan, sanadkii 1947dii xoghayihii arrimaha dibadda Ingiriiska waxa uu soo jeediyay qorshe lagu midaynayo dhulalka Soomaalida marka Jabuuti laga reebo kaddibna loo dhisayo hal maamul oo Ingiriiska hoos tega. Qorshahaas oo ku caanbaxay “Bevin plan” ma suurtagalin kaddib diidmo kaga timid Maraykanka iyo Midowgii Soofiyeeti, iyo ururradii siyaasadda ee Soomaalida oo ayaguna kaga cagajiiday in ay Ingiriiska doorteen. Danjire Maxamed Cusmaan waxa uu isweydiiyay sababta xisbigii Leegada (SYL) oo midnimada Soomaliweyn u dagaallamaysay ay u dooran waayeen qorshihii Ernest Bevin? Danjiruhu, waxa uu ku dooday in dowladda Ingiriiska oo ka xanaaqsan diidmadii qorsheheeda ay Soomaalidu ku diideen ay aargoosi ahaan dhulalka Soomaaliyeed ee Soomaali Galbeed iyo NFD ugu gacangalisay Itoobiya iyo Kiiniya.

Sanadkii 1954, asaga oo arday 17 jir ah ayuu shaqadii ugu horraysay ka bilaabay waaxda tirakoobka dadweynaha ee dawladda. Waxa uu sheegay in waaxda tirakoobka uu nin Talyaani ah madax ka ahaa markii uu shaqada u diraayey, uuna ninkaas Talyaaniga ahaa  shaqaalaha faray shaqaalihii tirakoobka Muqdisho ka samaynayey in ay soo tiriyaan dadka magaalada, guryaha iyo hantidooda balse aysan tirakoobka ku darin dadkii Hindida ahaa ee waqtigaas magaalada si weyn u degganaa. Qoraagu, waxa uu leeyahay “ma garanayo sababta Hindida tirakoobka looga reebay.” Kaddib qoraagu waxa uu ka shaqo bilaabay xafiiska boostada halkaas oo uu ka noqday maqalhaye (cashier). Intii uu maqalka joogay waxa uu ka sheekeeyay labo dhacdo oo ku qabsatay halkaas, kuwaas oo xorriyaddii kaddib dhaqan ka noqon doona xafiisyada dowladda. Qoraagu, waxa uu yiri “Maalin ayaa waxaa dhacday in nin maqalhaye ah uu 4,000 oo shilin siiyay nin watay aqoonsi (ID) askari booliis ah balse qofka aqoonsiga sitay ma ahayn askarigii aqoonsiga lahaa. Maalmo kaddib ayaa la ogaaday in askarigi aqoonsiga lahaa uusan magaaladaba joogin taas oo qasabtay in boostadu lacagtii guddo. Warkii ayaa gaaray Cabdullaahi Ciise oo ra’iisulwasaaraha ahaa markaas ayuu soo saaray wareegto faraysa in dadka lacagaha iyo alaabaha kale boostada ka qaadanaya faro laga qaado. Markii amarkaasi dhaqangalay ayaa waxaa boostada iigu yimid nin Soomaali ah oo si fiican u labbisan markii aan aqoonsi ka qaaday oo alaabtii miiska u saaray ayaan ka codsaday in uu suulkiisa khadda daro, ninkii inta uu xanaaqay ayuu yiri “ma anigoo diktoor hebel hebel ah oo 20 sannadood wax soo baranayay ayaad i leedahay suulka khad darso?” Si deggan ayaan mudanaha ugu sheegay in amarkaani yahay mid ra’iisulwasaaruhu soo saaray, yahayna mid hantida ummadda lagu ilaalinayo laakiin diktoorku waxa uu yiri “xataa Cabdullaahi Ciise igu ma amri karo in aan suulka khad darsado.” Dr. Hebel waxa uu ka soo noqday Talyaaniga oo sharciga iyo qaanuunka ku soo bartay.”

Maalin kale askari booliis ah oo yunifoomkii ciidanka labbisan ayaa boostada yimid markii aan aqoonsiga waydiiyayna si xanaaq leh ayuu iigu yiri “Uma jeedid miyaa in yunifoomkii ciidanka aan xirannahay.” “Yunifoomka waa lagaa xadi karaa” ayaan ugu jawaabay. Markii aan shaqada dhammeeyay askari ayaaba bannaanka  igu sugaayay, wuxuuna ii sheegay in saldhigga booliiska la iga wacayo. Markii aan saldhigga tegay, waxaan ugu tegay sarkaalkii oo xafiis fadhiya. Qaylo iyo handadaad ayuu dhagaha ii saaray, waxa uuna ii raaciyay “Reer Xamarkiina xorriyad ayaan idin keennay markaas baad askartii bahdilaysaan.” “Boostada ayaan mardhow kuugu imaanayaa” ayuu ii sii raaciyay. Markii uu xafiiska yimid waa uu ku qasbanaaday in uu aqoonsigiisii dhiibo.

Qoraagu, waxa uu sheegay ayaamo kaddib in uu ka shaqo bilaabay aqalka baarlamaanka, shaqadiisuna ahayd qoridda iyo tarjumidda qoraallada iyo khudbadaha baarlamaanka. Balse waxaa la yaab ahayd in wasiirka dastuurka uu noqday ninkii diiday in uu u hoggaansamo amarkii ra’iisulwasaarihiisa. Qoraagu, wuxuu kaloo sheegay in sarkaalkii booliiska ahaa oo laga yaabo in uu noqdo taliyaha booliiska qaranka xorriyadda kaddib iyo sharciyaqaankii wasiirka dastuurka noqday ahaayeen labadii qof ee xeerarka dalkooda difaaci lahaa balse ay cagsigeeda ku dhaqmeen.

Dhammaadkii sannadkii 1960kii Maxamed Cusmaan Cumar waxa uu waxbarasho u aaday dalka Shiinaha. Danjiruhu waxa uu buuggan ku xusay dhacdo xusid mudan oo dalka Shiinaha ku qabsatay. Waqtigaas uu waxbarashada Shiinaha u joogay waxay ahayd xilli gobonimadoonka Afrika iyo Eeshiya oo cirkaas maraysay, dowladda Shiinaha oo galbeedku go’doomiyeenna si weyn bay u taaageersanayd gobonimadoonka dadyowga dhulalkooda la gumeysto. Sidaas darteed, dowladda Shiinaha ayaa arday badan oo Afrikaan ah oo dalkeeda joogay u abaabushay bannaanbaxyo waaweyn si looga soo horjeesto gumaysiga ninka cad balse ardaydii Soomaaliyeed ee Shiinaha joogtay, bannaanbaxana wax ka abaabulaayay waxay gumaysiga lagu bannaanbaxayo ku soo dareen Itoobiya. Arrintaas waxay dowladda Shiinaha u aragtay khalad.

Dowladda waxay u yeertay ardaydii Soomaaliyeed, una sheegtay in arrimaha Afrikaanka dhexdooda aan lagu soo darin bannaanbaxa. Dabcan, Shiinuhu bannaanbaxa waxay ku magacdilaysay dowladaha Yurub ee dagaalka ka dhexeeyay, khilaafyada xudduudaha ee dalalka Afrika sida Soomaaliya iyo Itoobiya u dhexeyana wax weyn u ma aysan arkeen ama jaahilnimo ayaa ka haysay oo ma aysan ogayn in Itoobiya gumaystihii Yurub kala shaqaysay qaybsiga Afrika dhulka Soomaaliyeedna ay sidaas ku qabsatay. Yeelkeed’e ardaydii Soomaalidu waa ay ku adkaysteen go’aankoodi ahaa in ay bannaanbaxa la yimaadaan boraar iyo halkudhigyo Itoobiya ka dhan ah. Isku dayo badan oo ay sameeyeen ardaydii Afrikaanka ahayd kuna doonayeen in ay Soomaalida uga dhaadhiciyaan in bannaanbuxu yahay mid looga soo horjeedo gumaysiga cad waa fashilmeen markii Soomaalidu ku doodeen in gumaysi yahay gunaysi un midabna uusan lahayn. Sidaas ayaana ardaydii Soomaalidu kaga baaqdeen ka qaybgal bannaanbaxaas.

Sanadkii 1968 Maxamed Cusmaan waxa uu ka shaqo bilaabay safaaradda Soomaaliya ee Ingiriiska oo markaas un dib loo furay kaddib xiriir kala furashadii Soomaaliya iyo Ingiriiska 1963dii, kaddib markii dowladda Ingiriisku iska indhatirtay aftidii Soomaalida NFD ku go’aansadeen in ay walaalahood Soomaaliya raacaan ayna ku dartay Kiiniya taas oo Soomaaliya si weyn uga carrootay kaddibna xiriirka u jartay boqortooyada Ingiriiska. Danjire Maxamed Cusmaan ilaa iyo 1972 ayuu London joogay, asaga oo London jooga ayaana la dilay madaxweynihii dalka Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Eebbe ha u naxariiste. Danjiruhu Cusmaan waxa uu buugga ku sheegay in dilka Cabdirashiid uu ka ogaaday telefishanka BBC. Isla 1972 ayaa Danjiraha xukuumaddii kacaanku u wareejisay safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha. Kaddibna waxa uu noqday madaxa baratakoolka ee wasaaradda arrimaha dibadda, jagadaas oo uu hayay muddo lix (6) sanadood ka badan.

Waxyaabaha kale ee qoraagu buugga ku xusay waxaa ka mid ah musuqmaasuqii iyo kutagrifalkii awoodda ee maamulka askarta ee Maxamed Siyaad Barre hoggaaminaayay. Danjire Maxamed Cusmaan waxa uu buuggiisa ku qoray in 1981dii asaga oo ka mid ah wafti madaxweyne Maxamed Siyaad Barre oo booqasho ku tegay magaalada Room, ay qabsatay dhacdo uurkutaallo ku reebtay. Waxa uu yiri “Aniga oo sii galaya hoteelka Hilton oo madaxweynuhu degganaa ayaa askari ka mid ahaa ilaalada madaxweynuhu feer sanka igu jabiyay bilaa sabab. Waan wareeray balse dhulka ku ma aanan dhicin. Inta aan wajiga soo dhaqday ayaan madaxweynaha u galay, markii aan u tegay ayuu madaxweynuhu ii sheegay in uu maqlay waxa igu dhacay balse madaxweynuhu iga ma raalligalin khaladka ilaaladiisu igu sameeyay, xitaa iima muujin in uu ka xanuunsaday. Askarigii feeray sarkaal sare oo wasaaradda arrimaha dibadda ka tirsan wax tallaabo ah kama uusan qaadin.” Danjiruhu waxa uu sheegay falka askarigaasi ahaa mid dhaqan u ahaa maamulkii Maxamed Siyaad Barre oo Soomaaliya u beddelay “police state,” ku xadgudubka muwaaddiniintu caado u ahayd.

Dhacdooyinka uur-ku-taallada leh ee qoraagu maamulkii askarta ka wariyay waa badan yihiin, waxaan ka soo qaadanayaa dhacdo ka dhacday mar aan ka fogayn burburkaas maamulkii Maxamed Siyaad markaas oo qoraagu ahaa danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya. Waxa uu qoraagu sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ay safaaraddeeda dalka Hindiya ku amartay in qiimaha baasaboorka safaaraddu bixiso ay ka dhigto $100 ayada oo Muqdisho baasaboorka looga qaato qiime $20 ah. Waxa kale oo wasaaraddu amartay safaaradda in lacagta doolar ahaan lagu qabto kaddibna lagu diro akoon (account) ka furan magaalada Dubaay (Dubai), taas oo ahayd sharcidarro qaawan. Waxa kale oo ayaduna sharcidarro dalka Hindiya ka ahayd in doollar wax lagu kala iibsado, sharcigaas oo safaaradaha dalalka shisheeye ee Hindiya ku yaal qabanayay. Danjiruhu waxa uu buugga ku qoray in arrintaasi u cuntami wayday fulinteedana, uuna ka cagajiiday, go’aansadayna in uu Muqdisho tego arrintana u sheego madaxweynaha dalka Maxamed Siyaad. Markii uu madaxweynaha la kulmay arrintiina u sheegay madaxweynuhu waxa uu ugu jawaabay “u teg wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda.” Balse Danjiruhu waxa uu madaxweynaha ku yiri “madaxweyne wasiirku adiga ayuu igu kaa soo celinayaa oo madaxweynaha u teg ayuu igu leeyahay, aniguna waqti ma haysto oo waan noqonayaa.” “Dhowr maalmood kaddib igu soo noqo” ayuu madaxweynaha ku yiri Danjiraha. Danjiruhu waxa uu yiri “saddex (3) maalmood kaddib markii aan madaxweynaha ku soo noqday oo arrintii aan xusuusiyay madaxweynuhu waaba xusuusan waayay arrinta aan kala hadlayo oo maba uu xusuusto in aan dhowr berri ka hor u imid iyo wixii aan kala hadlay”.

Dhacdo kale oo xiiso leh waxa ahayd markii uu Danjire Maxamed Cusmaan ahaa danjiraha dalka Suudaan bartamihii 1980aadkii. Waxa uu danjiruhu u sheegay in ay xafiiskiisa safaaradda si kali kali ah ugu soo booqdeen danjirayaasha dalalkii bariga iyo Yurub ee shuuciga ahaa iyo kan dalkii Midowgii Soofiyeeti, dalalkaas oo xiriirka aan la lahayn xumaa tan iyo 1977. Balse waxaa ugu xiiso badan booqashadii uu danjiraha Soofiyeetku ugu yimid danjire Maxamed Cusmaan. Danjiruhu waxa uu yiri markii aan is nabadaynay oo aan fariisannay ayuu danjirihii Soofiyeetku si qayaxan iigu yiri “maxaad Itoobiya ka rabtaan?” Danjire Maxamed Cusmaan oo buugga ku sheegaya in weyddiinta danjiraha Soofiyeetku ahaa mid ka baxsan luuqadda diblomaasiyadda ayaa yiri “waxba ka ma rabno Itoobiya, waxa kaliya ee aan Itoobiya ka rabno waa in ay ka guuraan dhulkeenna ay gumeystaan. Waxaan nahay dal Sooshaliiste (Socialist Country) ah, Itoobiya na waa dal Sooshaliiste ah. Gardaadiyeheenni Lenin waxa uu na baray in ay xaaraan tahay in dal Sooshaliiste ahi uu dal kale oo Sooshaliiste ah gumeysto. Jaalle Danjire waxa aan filayaa in aad taas la qabtid Jaalle Lenin. Haddaad Raashiyaan tihiin xaqiiqo ahaan faylasha ciidankiinna iyo kuwa saaxiibbadiin Kuuba (Cuba) waxaad ku aragteen itaalka Soomaalida iyo waxa ay samayn karaan. Haddii ciidankiinna iyo khubarradiinna Soofiyeetka iyo saaxiibbiina Kuuba aysan Itoobiya garabsiin lahayn, waad ogtihiin oo qirsan tihiin sida aan Itoobiya u gali lahayn. Marka labo qolo isdagaasho dabcan mid ayaa guuldarraysanaya, maanta idinka ayaa Itoobiya la jira, markaas waxaan kugu leeyahay u sheeg Itoobiya in gobannimo siiso dadka Soomaaliyeed ee ku nool dhulka Ogaden. Adinka ka hor gumeysi kale oo hadda tegay ayaa geyiga joogay, adinkuna jidkii kuwaas hore mareenayaad ku joogtaan. Waxaad la mid tihiin iskoobbe (broom) Soomaalidu waxay la mid tahay sagxaddii iskoobbaha lagu nadiifiyay, sida iskoobbaha oo kale ayaad intaad rifantaan u dhammaanaysaan halka Soomaaliya u jirayso oo u joogayso sida sagxadda.”

Danjire Maxamed Cusmaan waxa uu yiri sheegay in intaas kaddib uu danjirihii Soofiyeetku yiri “waxaad tahay nin islawayn” aniguna waxaan ugu jawaabay “maya, mudane, waxaan ahay nin qab leh.”

Danjire Maxamed Cusmaan waxyaabaha kale ee buugga ku xusay waxaa ka mid ahaa nidaamka shuuciyadda ee taliskii ciidanku dalka ku soo rogay iyo qabyaalad la dirirkii afka baarkiisa ahayd ee Maxamed Siyaad Barre. Danjiruhu waxa uu uu ku dooday in qaadashada shuuciyaddu ahayd go’aan qaldan oo taliskii Siyaad Barre ku kacay asaga oo sheegay in Maxamed Siyaad iyo raggii kale ee hoggaanka hayay aysan nidaamka shuuciyadda ee ay dalka ku soo rogeen waxba ka aqoon wax aragti ahna aysan ka haysan shuuciyadda. Sidaas oo kale qoraagu waxa uu Maxamed Siyaad ku eedeeyay in aysan waxba ka jirin la dirirkii qabyaaladda ee taliskiisu sheegan jiray bal’e Maxamed Siyaad ahaa nin qabyaaladda ku dhaqma dadkana ku kala qaybiya. Waxa uu qoraagu yiri “Maxamed Siyaad habeenkii odayaasha qabiillada ayuu u wacan jiray asaga oo qaarkood lacag siinaya qaar kalana hub siinaya.”

Danjiruhu, wuxuu taliskii Maxamed Siyaad si weyn ugu dhaleeceeyay dilka culimmadii ka soo horjeesatay xeerkii qoyska sanadkii 1975tii, xeerkaas oo ahaa mid liddi ku ah aayado Qur’aanka ka mid ah. Danjiruhu waxa uu maalin madow oo murugo leh ku tilmaamay maalintii la laayey culimmada. 

Ugu dambeyn, buuggani waa buug qiimo badan, waana kayd iyo wax soo saar muhiim u ah baarayaasha sooyaalka siyaasadeed ee dalka iyo dadka jecel barashada siyaasadda. Sidoo kale, waa buug gacansiinaya dadka ku hawlan xal u helidda mushkiladaha dabadheeraaday ee dalka ka taagan.

 

WQ: Cali M. Diini  

Researcher at HIPAD