Kulan-madaxeedka Dowlad-goboleedyada ee Dhuusamareeb Iyo Masiirka Doorashooyinka Dalka

Hordhac

Maalinimadii Khamiista, 09 July waxaa magaalada Dhuusamareeb, xarunta maamul-goboleedka Galmudug, ka bilawday qabanqaabada shir-madaxeed ay ka qayb-galayaan madaxweynayaasha shanta maamul-goboleed ee dalka (Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koofur-Galbeed iyo Jubaland). Shirkan ayaa ku soo beegmay xilli uu fashilmay kulankii ay yeelan lahaayeen madaxweynaha Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxda maamul-goboleedyada. Kulankan ayaa fashilmay kadib markii madaxweyne Farmaajo uu hakin waayay doodihii Golaha Shacabka uu ka doodayay afar xeer oo dhammaystir u noqonaya sharciga doorashada 2020 (Kuraasta gobolada waqooyi, qoonddada haweenka, matalaadda Gobolka Banaadir, deegaameenta kuraasta Golaha Shacabka). Xeerarkaas oo ay maamul-goboleedyadu ka muujiyeen cabasho ku salaysan in hannaanka Golaha Shacabku u maaraynayo meel-marintooda ay tahay mid baal-marsan habraaca Dastuurku tibaaxayo.

download documents

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *