Xakamaynta Safmarka COVID-19: Kaalinta Dowlad Goboleedyada

Hordhac

Safmarka COVID-19 waxa uu ku soo aaday xilli ay Soomaaliya wajahayso xaalado adag, kuwaas oo ay ugu horreeyaan fatahaadda webiga shabeelle, aafada ayaxa, ammaan la’aan iyo dhaqaale xumo. Sidoo kale, wuxuu ku soo aaday xilli ay Soomaaliya isu diyaarinayso doorashooyin qaran oo la filayo in ay dhacaan dabayaaqada sanadkan 2020 iyo horraanta sanadka 2021. Marka laga soo tago duruufahaas jira, waxaa weli taagan caqabado kale oo ay Soomaaliya wajahayso xilligan. Waxaa ka mid ah in aysan lahayn nidaam caafimaad oo awood u leh in uu bixiyo adeegga caafimaadka guud iyo fayodhowrka bulshada. Intaas waxaa sii dheer, in Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada aysan lahayn awood dhaqaale, farsamo iyo agab caafimaad oo ay kula tacaalaan xakamaynta cudurka COVID- 19. Tan iyo markii cudurku uu soo shaac baxay dhammaadka sanadkii 2019, loona aqoonsaday in uu yahay cudur safmar ah bilowga sanadkan 2020, waxa uu si baahsan ugu faafay dalal badan oo adduunka ah. Soomaaliya waxa ay ka mid noqotay dalalka la tacaalaya xakamaynta faafitaanka cudurkaas iyo khasaarahiisa. Waxaa la qaaday tallaabooyin ka hortag ah oo ay ugu horreeyaan in la joojiyey isku socodka diyaaradaha gudaha iyo dibadda, in la xiray goobihii waxbarashada sida iskuulada iyo jaamcadaha.

download documents

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *