Xakamaynta Safmarka COVID-19: Kaalinta Dowladda iyo Bulshada

Hordhac

Safmarka CoronaVirus (COVID-19) waa mid ka mid ah cudurada faafa, kaas oo ku dhaca neef-mareenka. Bishii Disembar ee sanadkii tegay ayuu ka billowday dalka Shiinaha, gaar ahaan magaalada Wuhan, ka dibna waxa uu ku sii faafay dunida oo idil. Tan iyo markii uu soo ifbaxay cudurka, waxaa la soo weriyey in uu ku dhacay in ka badan saddex milyan iyo bar oo qof, wuxuuna sababay dhimasho gaaraysa in ka badan laba boqol iyo afartan kun. Dadka ka bogsaday xanuunka waxaa lagu qiyaasaa in ka badan hal milyan.1 Bukaanada uu cudurkani ku dhacay ilaa iyo hadda waa 98% meel dhexaad ah halka 2% uu ka yahay mid dilaa ah. Calaamadaha lagu garto Covid-19 waxaa ka mid ah qandho, qufac, daal, neefqabasho iyo urka iyo dhedhenka oo la waayo. Xilli huuriskiisa (incubation period) waxaa lagu tilmaamaa inta u dhexeysa 2-14 maalmood. Inta badan waxa uu ku faafaa qufaca, hindhisada ama in aad toos ugu dhawaato qofka qaba xanuunka, gacanqaaddo ama taabato meelaha uu taabtay.

download documents

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *